|
Halkan riix
 | |
| Copyright © Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo iyo Xuseen Liibaan 'Mataan'
Laaxinjire Ver.1.01 - 2012
Falcelintiinnana waanu soo dhoweyneynaa
|
Ku soo dhowaada Laaxinjire
Waxa soo diyaariyey soo saarayaasha
Wax la raajaa rag kuma sama ayaa hore loo yidhi ee ku soo dhowaada
qormihii beryahaaba la saadaalinayey oo aan filayo inay dad badani raagsadeen. Waa qormihii Laaxinjire oo ah,
haddii aanad hore u maqal, qorme cusub oo kumbuyuutar oo kuu saxaya ama kugu baraarujinaya reebidda laaxinka
iyo deelqaafka gala maanso cusub oo kolkaa la curiyey, ama mid hore u jirtay oo la shirrabayo.
(Halkan ka sii akhri...)
Afsoomaaliga iyo teknoloojiyada
w/d. Cabdalla Xaaji Cismaan
(New)
Sannadkii
1972kii markii la hirgeliyey qoraalka Afsoomaaliga waxa suura galay in la diiwaan geliyo
suugaanta iyo dhaqanka hodanka ah ee aynnu ku faanno, hawshaa oo ay iska xil saareen aqoonyahanno badan.
Dhinaca kale, dawladdii Kacaanka ee dalka ka talinaysay waxay meel marisay ereybixin badan oo loo aayey,
hasayeeshee waxa laga seexday amma aad u yaraa erey-bixinta sayniska iyo teknolojiyada. Kadib burburkii
dawladdii Somalia waxa meesha ka baxayday ...
(Halkan ka sii akhri...)
Diihaal-reeb:Milicsikooban
w/d. Cabdiraxmaan F. Guri Barwaaqo
( New )
Hordhac:
Curinta maansadu innaguma cusba. Cid halbeegyadeeda taqaanse innagu yar. Deelqaaf iyo laaxin baa laga jiraa.
Waxay ku kala geddisanyihiinna lama wada yaqaan. Xulashada ereyadu kaalinta ay ka qaadato tayada iyo cuddoonaanta
tuducyada lama wada dareensana. Cid qexaysa ama tilmaamaysa mucda iyo macaanka ay maansada u yeeshaanna lama arko.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, haddii aan isu foodinno tuducyada....
(Halkan ka sii akhri...)
| | | | |
|
Copyright
©
halgeri.com 2012 |
|